BELEDWEYNE [SMN] – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab-ka ku sugan qaar kamid ah gobolada dalka, iyadoo Gobolka Hiiraan yahay meesha diyaar-garowga ugu xooggan uu ka socdo.
Waxay dowladduqorsheyneysaa howlgal ballaaran oo lagu beegsanayo deegaanada ay kaga harsanyihiin Al-Shabaab Gobolka Hiiraan oo horay qeybo kamid ah looga saaray, sida ay sheegayaan Saraakiisha militeriga.
Dawladu waxa ay ka dalbanaysaa dadka ku nool gobolada dalka in ay gacan ku siiyaan ciidamada dowladda dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Laba xidigle Abuukar Maxamed Xasan ayaa sheegaya inuu soqonayo qorshe balaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, islamarkaana uu bilaaba doono howlgalo ka dhan ah kooxdaasi isaga oo ka dalbaday Shacabka in ay gacan siiyaan ciidamada.
Horay waxaa dowladu ay u qaaday howlgalo ay ku qabsatay deegaano badan oo Al-Shabaab ay maamulayeen sanado badan, waxaana qorshaha howlgalkan cusub uu imaanaya xili uu hakad ku jira hoelgalki hore oo si rasmi ah aan looga gaarin hadafkii laga lahaa.