Lamaane Geel Jir ahaa oo lagu dilay Gobolka Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB [SMN] – Khasaaro isugu jira Dhimasho Iyo dhaawac ayaa ka dhashay Weerar jid-gal ah oo Malleeshiyo Hubaysan ay Xalay ka fulisay dhinaca Koonfureed Ee degmadda Caabud-waaq, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Dad xoolo dhaqata ah.

 

Malleshiyadda Weerarka gaystay ayaa la sheegay in ay ka yimideen dhinaca Degmada Cadaado, halka Dadka la laayayna ay ka soo jeedaan Caabud-waaq, Waxaana weerarkaasi la sheegay in uu gaystay khasaaro kala duwan.

Dadka la dilay ayaa waxaa ku jiray Nin iyo Xaaskiisa, kuwaasoo kamid ahaa dadka xoolo-dhaqatada ah, waxaana Xiliga Weerarka uu dhacayay ay dadkaasi ku sugnaayeen hoyga ay ka daganyihiin dhinaca Koonfureed ee Caabud-waaaq.

Falka ka dhacay duleedka Degmadda Caabud-waaq ayaa noqday mid argagax ku abuuray Bulshadda deegaanka iyo Guud ahaan dadka ku noolGobalka Galgaduud, waxayna saakay degaankaasi ka taagan Xiisadda ka dhalatay dilaka dadka Xoola dhaqatadda ah.

Nabadoon Cadceed Sheekh Doon oo ka mid ah nabadoonadda Soomaaliyeed oo u Xog Waramay Shabeelle ayaa sheegay in Dadka xoolo dhaqatadda ah loo dilay aano-qabiil.

Deeganadda dhaca Waqooyiga iyo Koonfurta Gobolka Galgaduud waxaa in mudo ah ah ka jirtay Colaad u dhaxeysa Qabaa’il Kasoo kala jeeda Degmooyinka Cadaado Iyo Cabud-waaq.

Waxaa Tiro Dhowr ah Guuldareystay dadaallada xal u helida arinkaasi, iyadoo Maamulka Galmudug maaro u la’yahay soo afjarista Dagaaladda iyo Weerararadda Aanoiyinka qabiil ee ka dhaca labadda Gobol ay Galmudug ka koobantahay Ee Mudug iyo Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here