BOOSAASO [SMN] – Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka hadlay dagaalka adag ee kula jiro xoogaga Daacish ee ku sugan dhulka buuraha ah ee gobolka Bari, gaar ahaan Cal-Miskaad, kaasoo Ciidamada ay guulo ka sheegteen.
Dirir waxa uu sheegay in Ciidamada Puntland ay naftooda u hureen sidii Daacish loo ciribtiri lahaa, islamarkaana u xaqiijin lahaayeen amniga Boosaaso, oo markii hore ka dhacayeen weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay fulinayeen kooxaha mintidiinta ee ku jira Cal-Miskaad iyo Galgala.
“Dagaalyahanadii Daacish ee looga adkaadey Suuriya iyo Libya, oo kasoo jeeda Sacuudiga, Jordan, Algeria, Tunisia, Morocco iyo Iraq ayaan la dagaalamaynaa, waxay Ciidamada hafta u hurayaan sidii uga saari lahaayeen ajaaniibtan buuraha Cal-Miskaad,” ayuu hadaliisa raaciyay Wasiirka.
Dagaalka ka socda buuraha Calmiskaad ilaa Calmadow ayuu sheegay wasiirka in uusan jirin meel uu ka socda Adduunka, isagoo xusay inay Daacish ku dagalamayso tiknoolijiyad cusub oo diyaaradaha drones-ka ay kamid yihiin, oo ku qarxinayaan Ciidamada.
Puntland ayaa dagaal adag kula jir Daacish, iyadoo ay soo bandhigtay xubno ka tirsan Kooxda, oo ajaaniibay ku jiraan, kuwaas oo laamaha amaanka ay ku hayaan saldhigyada, iyadoo la filayo in lasoo taago Maxkamadaha khuseeya kiisaskooda.