Kenya oo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab kala hadashay Faransiiska

0

NAIROBI [SMN] – Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa kala hadlay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron arrimo badan oo ay ka mid yihiin “ka qayb galka Kenya ee dadaallada nabadeed ee Soomaaliya,” sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyadda dalka Kenya.

 

Madaxweynaha Macron ayaa balan-qaadey taageerada dalka Faransiiska ee ka qayb galka Kenya howlgalka cusub ee Midowga Afrika kaasoo lagu xasilinayo dalka Soomaaliya iyo dadaallada lagu joojinayo dagaalka sokeeye ee wadanka Sudan.

Labada hoggaamiye ayaa wadahadalka yeeshay xili Kenya ay martigelinayo kulan deg deg ah oo isagu imaanayaan madaxda dalalka Bulshada Bariga Afrika maalinta Jimcaha, kaasoo diiradda lagu saarayo dagaalka Koongo,iyadoo ajandiyaashii ay qeyb ka tahay Soomaaliya.

Kenya ayaa Ciidamo kumanaan askari ah waxay ka joogaan dalka Soomaaliya, kuwaasoo ka howlgala Jubaland, oo xuduuda ku taalla, iyadoo dowladda Kenya uu xiriir dhaw kala dhaxeeyo Axmed Madoobe, oo dhawaan usoo dirtay diyaarad gaar ah oo ku tagey Nairobi.

Tallaabadaas ayaa ka caraysiisay dowladda Soomaaliya oo u yeertay safiirka Kenya u fadhiya Muqdisho, oo u gudbisay cabasho arintaas ku saabsan, oo illaa hadda la ogeyn in dowladda Madaxweyne Ruto kasoo jawaabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here