Puntland oo uga mahadcelisay Mareykanka iyo Imaaraadka duqeynta Daacish

0

GAROWE [SMN] – Puntland ayaa u mahadcelinaysa saaxiibadeeda caalamiga ah ee gacan ka geystay howlgalka ka dhanka ah Daacish, gaar ahaan Dowladaha Maraykanka iyo Imaaraadka Carabta, oo ka qeyb qaatay duqeymaha cirka ee lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish ee ku jirta buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari.

 

Duqeyntii ugu dambeysay ee dhacay maanta ayaa lagu dilay xubno sare oo ka tirsan Daacish, kuwaas oo ku sugnaa goobahaas ee ku tiirsan ee deegaannada Puntland.

Howlgalka ka socda Puntland, oo hadda galay wejigiisa labaad, ayaa haatan guulo badan laga gaaray qeybta koowaad. Ciidanka Puntland ayaa ku guuleystay in ay soo qabtaan argagixisada iyo xarumahooda, waxayna u muuqataa in dowladda Puntland ay ka go’an tahay in ay sifeeyaan dhamaan deegaannada ay kooxda Daacish ku dhuumalaysanayaan.

Puntland ayaa si gaar ah ugu mahadcelisay taageerada caalamiga ah iyo duqeymaha cirka ee ay qayb ka ahaayeen ciidamada Maraykanka iyo Imaaraadka, kuwaas oo ka caawiyay guulaha horey loo gaaray.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in ay sii wadeyso dagaalka lagaga sifeynayo argagixisada Deegaanka, iyadoo kor loogu qaadayo iskaashiga caalamiga ah iyo xoojinta ciidamada gudaha ee la dagaalamaya kooxaha argagixisada ah.

Maamulka Puntland ayaa caddeeyay in la tixgelinayo amniga shacabka iyo nabadgelyada guud ee gobolka, isla markaana la qorsheynayo in si buuxda looga saaro kooxaha Daacish ee gobolka Bari.

Waqtiyadan dambe, Puntland ayaa horumarinaysay adeegyada ammaanka iyadoo dadaal weyn ku bixinaysa sidii loo xoojin lahaa awoodda ciidamada ammaanka iyo tababarka si looga hortago dhammaan khataraha argagixisada ee gobolka.

Tani waxay sidoo kale qayb ka tahay qorshayaasha dowladda ee loogu talagalay in la xoojiyo nabadgelyada iyo horumarinta guud ee Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here