Sheekh Cali Wajiis oo baaq culus u diray Mucaaradka dowladda Soomaaliya

0

MUQDISHO [SMN] – Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah Culumada Soomaaliyeed oo wareysi gaar ah siiyey Idaacada Shabelle ayaa Xubnaha Mucaaradka ah ugu baaqay in ay Ururadooda ka diiwaangeliyaan Guddiga Doorashooyinka maadama sida uu tilmaamay uu dalka u jiheystay doorasho qof iyo Cod ah in dadka laga qeyb geliyo Masiirkooda.

 

Sheekh Cali Wajiis oo la hadlayey Mucaaradka ayaa sheegay in aysan jiheynta Doorashadan aysan wax door ah ku laheyn oo taasina ay tahay Waajibaadka Dowladda balse iyaga looga baahanyahay wixii tabashadooda ah in Guddiga Doorashada ay kala hadlaan.

Sheekh Cali Wajiis ayaa dhinaca kale sheegay in Dowladdu ay ku guuleysan karto in Dalka oo dhan ay doorasho ka qabato marka laga reebo Maamulada Puntland iyo Jubaland oo iyagana gadaal looga dari karo marka kuwa kale laga qabto sida uu aaminsanyahay Sheekhu.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada Qorshe ay dalka uga hirgelinayso doorasho Qof iyo Cod ah inkastoo ay si weyn uga soo horjeedaan arrintaas Mucaaradka iyo Qaar kamid ah Maamulgoboleedyada Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here