KISMAAYO [SMN] – Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo carbiyay la dagaalanka Al-Shabaab, ayaa goor dhow u daaday guri ku yaala xaafadda New Kismaayo, kaasi oo ay ku jireen sadex kamida Al-Shabaab gaar ahaan kuwa qaabilsan madax jabiska.
Ciidamada Jubaland gaar ahaan kuwa gaarka ah ee qaabilsan ladagaalanka Al-Shabaab oo hayay xogta dhagar qabayaasha, ayaa ku guuleystay in sadexdii dhagar qabe labo kamida ay dilaan, halka kii kalana ay nolosha ku qabteen.
Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka gaar ah ee howlgalka fuliyay, dhagarqabayaasha waxa ay qorsheenayeen in ay magaalada ka fuliyaan dilal qorsheysan, iyo Al-Shabaab xubno muhiim ah.