Amaro la dul-dhigay Ajaaniibta soo gashay dalka Soomaaliya [Daawo]

0

MUQDISHO [SMN] – Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa amaro ku soo rogay Ganacsatada,Shirkadaha iyo Shaqaalaha Ajnabiga ah ee dalka ka howlgala, kuwaasoo oo aad ugu soo badanayay Muqdisho mudooyinkii dambe.

 

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax ayaa Shaqaalaha Ajaanibta ah ee ku sugan Soomaaliya ku amray in ay qaatan Warqadda Dambi la’aanta ee CID-da si looga hortago in Ururada Nabadiidka ay soo dhax maraan.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in Shirkadaha iyo dhamaan Ganacsatada Soomaaliyeed ee wax lasoo dega ama dhoofsada iyagana looga baahanyahay Waraaqda cadeynaysa in ay danbi la’aan yihiin ee CID-da.

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in awaamiirtan looga goleeyahay in sare u qaadista amniga Caasimadda iyo Guud ahaan dalka iyadoo looga digay cidii u hogaansamiweysa Cawaaqib Xumo.

Halkan ka daawo Shirka Jaraa’id ee Afhayeenka:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here