NAIROBI – Madaxda Bariga iyo Koonfurta Afrika ayaa lagu wadaa inay kulmaan 7-8 Febraayo 2025, magaalada Dar es Salaam ee Tanzania, si ay uga wada hadlaan xiisadda ka jirta Bariga Kongoo, sida uu sheegay Madaxweynaha Kenya, William Ruto, Isniintii.
Ruto ayaa xaqiijiyay inuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu ka qeybgalayo kulanka wadajirka ah ee xalkaloogu raadinayo Bariga Kongoo iyo taageerada siyaasadeed ee gobolka.
Madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi iyo Madaxweynaha Ruwaanda Paul Kagame ayaa sheegay inay ka soo qeyb geli doonaan kulanka wadajirka ah ee madaxda dowladaha Bariga Afrika iyo Koonfurta Afrika, sida uu sheegay Madaxweynaha EAC, William Ruto.
Kulanka wuxuu ka dhici doonaa magaalada Dar es Salaam ee Tanzania, oo ah xarunta ganacsiga ee dalkaas. Madaxweynayaasha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, Uganda Yoweri Museveni, iyo Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa sidoo kale xaqiijiyay inay ka soo qeyb geli doonaan shirkan gaar ah ee lagu wado inuu dhacdo Sabtida.
EAC waxaa ka tirsan 8 waddan, oo kala ah DRC, Burund, Kenya, Ruwaanda, Soomaaliya, Koonfur Suudaan, Uganda, iyo Tanzania.
Kulanka wadajirka ah ee EAC iyo SADC wuxuu noqon doonaa shir labo maalmood ah, iyadoo wasiirrada ururadkan ay isugu imaan doonaan Jimcaha, 7 Febraayo, ka hor kulanka madaxda dowladaha ee bisha sabtida.
Tani waxay ka mid tahay dadaallada lagu doonayo in lagu xalliyo xaaladda amni ee Bariga Kongoo, iyadoo ururada Bariga iyo Koonfurta Afrika ay isku dayayaan inay taageero iyo xal siyaasadeed u helaan gobolka.