BOOSAASO [SMN] – Ciidamada Amniga Dowladda Puntland ayaa gacanta ku dhigay doon sida agab ciidan oo ay ku jiraan tuute iyo qalab kale oo milatari, kadib markii ay doontu maraysay xeebta deegaanka Qaw ee Gobolka Bari.
Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay sidoo kale gacanta ku soo dhigeen rag Soomaali ah oo watay doonka, kuwaas oo la baarayo xiriirka ay la leeyihiin agabka ciidan.
Doonkan iyo ragga watay ayaa waxaa laga qabtay biyo xeebaha deegaanka Qaw, iyadoo baaritaano dheeraad ah lagu sameynayo si loo ogaado cidda iyo ujeedada loo waday agabkan, iyo waxa ay kala heshiiyeen kuwa ay xiriirka la leeyihiin.
Taliska ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaan uu imaanayo maalmo ka dib markii la xaqiijiyay in diyaarad dagaal oo Mareykanku leeyahay ay weerar ku qaadday saldhig ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan ururka Daacish (ISIS) oo ku dhuumanayay deegaanka Al-Miskaad ee gobolka Bari.
Weerarkan cirka ah ayaa ahaa mid lagu taageeray weerarka xooggan ee ciidanka Puntland, kaas oo ka mid ah dadaallada dowladdu ay ku ciribtirayo kooxda ISIS ee gobolka.
Sidoo kale, saraakiil ka tirsan Puntland ayaa sheegay in xiriirka ka dhexeeya kooxaha argagixisada iyo tuute ciidan iyo agab kale oo laga helay doontan ay sii xoojinayso hawlgallada si loo xakameeyo khataraha amni ee gobolka. Ciidamada Puntland ayaa la sheegay in ay ku howlan yihiin baaritaanada iyo raadinta macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan kooxahan argagixisada ah iyo xiriirkooda.
Weerarka Mareykanku ee Al-Miskaad iyo guulaha ay Puntland ka gaartay howlgallada ka dhanka ah argagixisada ayaa ah kuwo lagu amaanay dadaalka dowladda Puntland ee ku aaddan ciribtirka kooxda ISIS ee gobollada dalka.
Puntland waxay hore u sheegtay in ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyadoo kaashanaysa iskaashiga caalamiga ah iyo taageerooyin ka yimid dowladaha caalamka.