Ciidamada Puntland oo Guulo ka sheegtay dagaalladii ugu dambeeyay Cal-Miskaad

0

BOOSAASO [SMN] – Ciidanka difaaca Puntland, waxay shalay gaareen hadafkii dagaal ee howlgal culus oo ay aroornimadii hore bilowday, makhribnimadiina soo idlaaday, kaas oo ubucdiisii ahayd in lala wareego Qurac ilaa Dhashaan, loona dhaadhoco Dandamale iyo Curar oo ah saldhigyada rasmiga ah ee madaxda Daacish.

 

Kooxda Daacish waxay si kasta uga dagaalameen furimaha dagaalka Togga Jeceel in ciidanku galo ayaa u ahayd dhabarjab, in ka badan 40 nin oo Ajnabi ah oo ay difaacyada keensadeen, dhammaantood ayaa la dilay sida ay muujinayaan sawirada hordhac ah ee lasoo bandhigay, Hubkii ay wateen ayaa laqabtay, sidaas oo kale in ka badan 5 ajaaniib ah ayaa is qarxisay, 8 ayaa is dhaawac tiray si aan loo qaban.

“Koox ka kooban 12 oo ay ugu talogaleen Toogasho fog iyo Qarxinta Miinooyinka ayaa iyana la dilay, cimilada oo qalafsan iyo Telfoonada oo dhan ayaa hawada ka baxay, maadaama loo dagay aag Togga Jaceel,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Ciidamada Puntland.

Warar ayaa sheegaya in xalay uu dhacay dagaal ay la socdeen duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaarado laga leeyahay dalka Imaaraadka, waxaana ilo-wareedyo xaqiijiyeen in illaa 15 kamid ah Daacish lagu dilay howlgalka Toga-jaceel, oo Cal-miskaad katirsan.

“Maanta, waxay ahayd maalin kale oo Ajaaniibta soo duushay Fagaaraha dagaalka la dhigay meydadkooda, taarikhiyan dagaalka Argagixisada Soomaaliya ay ku jirto, waa markii 2-aad oo Argagixiso Ajaaniib ah oo intaas dhan halgoob lagu dilo, Dharjaale ayaa kow ahayd,” ayuu hadalkiisa raaciyay Afhayeen Maxamuud Maxamed Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here