Furitaanka Kal-fadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka oo dib loo dhigay

0

MUQDISHO [SMN] – Xildhibaano Ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka ku dhaliilay in ay si kutalogal ah u baajiyeen Furitaanka Kal-fadhiga 6-aad ee Golaha, Kaas oo lagu waday in maanta oo ah 6-da Bisha Febaraayo uu Furmo.

 

Xildhibaan Saadiq Cabdullaahi Cabdi iyo Xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed (Murjaan) oo baraha ay ku leeyihiin internetka soo dhigay Qoraalo ay uga hadlayaan baaqashada Furitaanka Kalfadhiga Golaha Shacabka ayaa sheegay in uu Guddoonku sabab la’aan u baajiyey shaqadaas Waajibka ah isagoo ka amar qaadanaya Madaxtooyada Soomaaliya oo isku dayeysa in ay hoos u dhigto Guuxa Baarlamaanka ee la Xisaabtanka Xukuumadda.

Xildhibaan Saadiq ayaa Qoraal uu ku daabacay Bartiisa Facebook ku yiri: Furitaanka Kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka BJFS oo aheyd inuu furmo maanta oo ah, bisha Febraayo 06deeda ayaa dib u dhac ku yimid, iyadoo aysan jirin wax sabab iyo qoraal cudurdaar ah ama fariin loo soo direy xubnaha Barlamaanka JFS, mana ahan markii koowaad ee Guddoonka Golaha ku xadgudbo qodobo Dastuuri ah iyo xeerarka kale ee dalka.

Xadgudubyadan uu guddoonku caadeystey waxaa u wehliya marar badanna aan ku celceliyey in guddoonku si toos ah ugu milmay Laanta Fulinta iyo Madaxtooyada, halkaasoo looga soo meeriyey xiliga furitaanka, xiritaanka iyo ajendeyaasha Kalfadhiyada Golaha Shacabka.

Howlihii qaranka, madaxbanaanida Golaha iyo is-koorjoogteydii hay’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gebi ahaanba meesha ka baxey, waxa uuna Barlamaanka 11aad noqdey mid howlgab ah oo gudan waayey shaqadii bulshaddu u igmatey; sababta ugu weyn waa in Guddoonka Golaha Shacabku noqdey masuuliyiin aan xilkas aheyn, musuqmaasuqna hareeyey, sidoo kale, waxa uu ogolaadey in laaluush joogto ah oo Madaxtooyada iyo Laanta Fulinta bixiso lagu kala dhantaalo ama lagu Curyaamiyo shaqadii barlamaanka lahaa”.

Dhinaca Kale Xildhibaan Murjaan oo isna Walaac ka muujiyey Baaqashada Furitaanka Kal-Fadhiga oo maanta lagu waday in loo fariisto ayaa isna Qoraal uu soo dhigay Facebooka ku yiri: Warqadaan uu Gudoonka Golaha Shacabka BJFS soo saareen waxa ku Cadaa in maanta oo ay taariikhda tahay 06/02/2025 furmo Goluhu, waa markii lixaad warqad ay soo saareen Golaha ku furmi waayo,

Cabsida Xildhibaanada laga qabo Logama Baaqsan karo in dib loo dhigo furitaanka kala fadhiga.

Walaaca Xildhibaanadan iyo Eedeymaha ay ujeedinayaan Guddoonkooda ayaa imaanaysa Xili Mudooyinkii ugu danbeeyay ay ka digayeen isku Milan ay sheegeen in uu ka dhax jiro Hey’adaha Sharci Dejinta oo Baarlamaanka ah iyo Fulinta oo Xukuumadda iyo Madaxtooyada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here