Yabooh oo Ka Hadlay Waxqabadka Dowladda Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Yabooh, ayaa maanta ka hadlay waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku ammaanay in dowladda ay wax badan ka qabatay arrimaha gudaha iyo dibadda.

 

Guddoomiye Yabooh, ayaa si gaar ah uga hadlay siyaasadda dibadda, amniga iyo hirgalinta doorashada qof iyo codka ah ee ka socota gobolka Banaadir. Waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay guul weyn ka gaartay hirgelinta doorashada, isagoo tilmaamay in tallaabooyin muhiim ah la qaaday si loo xaqiijiyo nidaamka doorashooyinka ee dalka.

“Waxa aan ku amaanaynaa Dowladda Soomaaliya in ay si firfircoon u dhaqan gelisay siyaasadda amniga, iyadoo xoojisay ciidamada ammaanka iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada. Sidoo kale, dowladda waxay dadaal ballaaran ugu jirtaa hirgelinta doorashada qof iyo codka ah ee ka socota gobolka Banaadir,” ayuu yiri Yabooh.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenku wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay garab istaagaan dowladda, si ay ugu guuleysato qorshaha doorashada ee ay wado. “Bulshada Soomaaliyeed waa in ay si wadajir ah u garab istaagaan dowladda, si ay ugu guuleysato qorshaha doorashada ee ay waddo, isla markaana ay ka qayb qaataan dhismaha dalka,” ayuu raaciyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheer ugu jirta hirgelinta hiigsigeeda doorasho qof iyo cod, iyadoo xubnaha muqaladka ee qaar ka mid ah siyaasiyiinta ku tilmaameen in waqtiga ugu haray dowladda aysan suuragal ahayn in ay hirgeliso doorashada.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda waxay ku adkaysanaysaa in doorashooyinka dalka ay waqtigooda ku dhacaan, isla markaana ay xal u helaan caqabadaha jira.

Hirgalinta doorashada qof iyo codka ah ayaa ah mid ka mid ah himilooyinka ugu waaweyn ee dowladda Soomaaliya, iyadoo bulshada Soomaaliyeed ay rajeynayaan in doorashooyinka ay ku dhacaan si nabad ah oo cadaalad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here