BOOSAASO (SMN) – Wararka iyo xogaha ka soo baxaya deegaanada qaar ee Puntland ayaa tibaaxaya in maanta la arkay 80 xubnood oo ajaanib ah, kuwaas oo lagu arkay deegaanada baadiyaha ee u dhow degmada Ufayn ee gobolka Bari.
Ilo xog agaal ah ayaa xaqiijiyay in xubnahani ay kasoo carareen deegaanada ku teedsan Togga Jeceel, kuwaas oo ka mid ah deegaanada gobolka Bari oo howlgal Ciidan uu ka socdo. Waxaa la sheegay in dagaalyahanada ay hogaaminayaan 6 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo si wanaagsan u yaqaan deegaanada Puntland.
Waxaa xusid mudan in dhawaan dagaalo qaraar ay ka dhaceen deegaanada Puntland, gaar ahaan buuraha Calmiskaas, halkaas oo Daacish looga saarey saldhigyo dhowr ah.
Puntland ayaa ku howlan qorsho balaaran oo ay kaga sifaynayso deegaanada iyo degmooyinka ay gacanta ku hayaan kooxda Daacish, waxaana mudooyinkii ugu dambeysay ay qaadeen dagaalo xooggan oo lagu qabsaday deegaano badan oo ay Daacish ku sugnaayeen.
Sidoo kale, Puntland ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii ay uga hortagi lahayd falalka kooxda Daacish iyo sidii amniga gobolka loogu soo celin lahaa gacan buuxda.



