Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Siihayaha Safaaradda Norway la Kulmay

0

MUQDISHO [SMN] – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Siihayaha Safaaradda Boqortooyada Norway ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Carsten Carlsen.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee saaxiibada ah, looguna kobcin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Wasiir Fiqi iyo Mr. Carlsen ayaa ka wada hadlay siyaabaha lagu horumarin karo xiriirka labada dal, iyada oo la rajeynayo in la dhiso iskaashi muddo dheer ah oo wax wadaag ku suntan danaha labada dhinac. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka hadlay qorshayaasha cusub ee loogu talagalay in lagu xoojiyo iskaashiga dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha, amniga, iyo arrimaha bulshada.

Kulanka ayaa ahaa mid muhiim ah, waxaana si gaar ah loogu falanqeeyay fursadaha kor u qaadista xiriirka labada dhinac, iyadoo la isla qaatay in la abuuro saldhig adag oo ku saleysan wada shaqeyn dhow iyo wax wadaag dhanka danaha labada dal.

Iskaashiga Soomaaliya iyo Norway ayaa horey u ahaa mid wanaagsan, waxaana labada dal ay ka wada shaqeynayaan arrimo dhowr ah oo muhiim u ah horumarka bulshada iyo dhaqaalaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Fiqi ayaa xusay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay sii wadato xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay Norway, si loo gaaro guulo dheeraad ah oo ku saabsan horumarka iyo nabadda gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here