MUQDISHO [SMN] – Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u difaacday Boqortooyada Sucuudi Careebiya, kadib hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo sheegay in Sucuudigu uu dhulkiisa balaadhan wax ka siiyo Falastiiniyiinta.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u taageersan tahay Boqortooyada Sucuudi Careebiya, iyadoo muujisay sida ay uga xun tahay hadalka Netanyahu oo lagu tilmaamay mid aan la aqbali karin. Dowladda Soomaaliya waxay ku adkaysatay in Sucuudigu uu yahay dal madax-banaan oo go’aamadiisa iyo siyaasaddiisa ay yihiin kuwo loo ixtiraamo.
Sidoo kale, dowladda Soomaaliya waxay caddeysay in Falastiin ay xaq u leedahay dowlad madax-banaan oo caasimadeedu tahay Quddus, iyada oo aan laga rarin dhulkooda. Soomaaliya ayaa tilmaamtay in xal waara oo ku saabsan khilaafka Falastiin iyo Israa’iil uu ku saleysnaan doono xaqa Falastiiniyiinta ee ah in ay helaan dowlad madaxbanaan oo dhulkii ay ku noolaayeen oo dhan.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku boorisay beesha caalamka in ay ka shaqeyso sidii loo taageeri lahaa xal nabadeed oo waara oo dhanka Falastiin, loona ixtiraami lahaa xuquuqda shacabka Falastiiniyiinta.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli xiisado siyaasadeed iyo amaan dhanka gobolka iyo caalamkaba ay sii kordhayaan, iyadoo arrimaha Falastiin ay weli yihiin kuwa si weyn loo daneeyo.