Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Wafdi Turki ah la Kulmay

0

MUQDISHO [SMN] – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga oo uu hoggaaminayay Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Prof. Burhanettin Duran.

 

Kulanka waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashi istiraatiijiyadeed oo ballaaran, iyada oo xoog la saaray baahida loo qabo iskaashi dhinacyo badan taabanaya.

Wasiir Kuxigeen Duran ayaa salaan uga siday Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, isagoo sidoo kale ka hadlay horumarka laga gaaray Baaqii Ankara ee soo baxay 11-kii Diseembar, 2024, iyo fulinta heshiisyada muhiimka ah ee labada dhinac ay kala saxiixdeen.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay arrimaha Gaashaandhigga, Maalgashiga, Kalluumeysiga, iyo kheyraadka dabiiciga ah, iyo sida loo xoojin karo iskaashi waara oo horseed u noqon kara horumar iyo kobac dhaqaale labada dal.

Iskaashigan ayaa sidoo kale diiradda saaray sidii loo dhisi lahaa iskaashi sal adag oo damaanad qaadi kara horumar waara iyo barwaaqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here