MUQDISHO [SMN] – Shirweynaha Shanaad ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU) ayaa maanta ka furmay Muqdisho, iyadoo uu daah-furey Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Labaad ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay).
Shirka ayaa waxaa ka qayb galay 320 ergo, oo ka socda dowlad goboleedyada dalka, Gobolka Banaadir, iyo wakiillo matalaya 12 urur oo shaqaalaha Soomaaliyeed ah. Sidoo kale, Wasiirada Dastuurka iyo Shaqada ayaa ka qeybgalay furitaanka kulanka.
Maalmaha shirka socdo, waxaa looga hadli doonaa arrimo muhiim ah sida xuquuqda shaqaalaha, taageerida hannaanka dimuquraadiyadeed ee dalka, xoojinta midnimada shaqaalaha, la-dagaallanka caddaalad-darrada, iyo kor u qaadidda fursadaha shaqo ee Soomaaliya.
Sidoo kale, shirka waxa uu diiradda saaraya horumarinta dimuquraadiyadda iyo dhaqaalaha, iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumar qaran oo ku saleysan sinnaansho iyo caddaalad bulsho.
Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa madasha ka sheegay inuu ku faraxsan yahay in dhowaan Madaxweynaha Soomaaliya uu saxiixay Sharciga Shaqada ee dib-u-eegis lagu sameeyay, taas oo ah guul muhiim ah oo u horseedaysa horumarinta xaaladda shaqaalaha Soomaaliyeed.
Wuxuu kaloo xusay in Xukuumadda Soomaaliya ay si xooggan uga go’an tahay hirgelinta Barnaamijka Shaqo Wanaagsan (Decent Work Country Programme) si loo abuuro fursado shaqo iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka.