Madaxweynaha Soomaaliya oo Qaabilay Wafdi Ka Socda Turkiga

0

MOGADISHU [SMN] – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si diirran ugu soo dhaweeyay wafdi ka socday Jamhuuriyadda Turkiga, oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Prof. Burhanettin Duran, iyadoo kulankaasi uu ka dhacay Qasriga Madaxtooyada ee Muqdisho.

 

Kulanka ayaa labada dhinac ku xaqiijiyay xiriirka adag ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatijiyadeed ee dhanka ammaanka, dhaqaalaha, iyo arrimaha kale ee muhiimka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Turkiga taageerada joogtada ah iyo dadaalka ay ugu jirto horumarinta iyo xasilloonida Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay xiriirka walaalnimo iyo taariikhiga ah ee labada dal, isagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo horumarka wadajirka ah.

Kulankani waxa uu muujinayaa horumar cusub oo ku saabsan iskaashiga sii kordhaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, taasoo ku saleysan iskaashi dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha, iyo amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here