AFRICOM oo war kasoo saartey duqeynta lala eegtay Daacish

0

NAIROBI [SMN] – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaciyay faahfaahinta howlgalka xalay (1-dii Febraayo 2025) ka dhacay buuraha gobolka Bari ee Puntland, kaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish.

 

Howlgalkaan, oo ay taageeraysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka dhacay buuraha 50 mayl dhanka koonfur bari ee magaalada Boosaaso, waxaana lagu dilay 14 xubnood oo ka tirsan Daacish, iyadoo aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaartay shacabka rayidka ah.

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa muujiyay in howlgalka lagu beegay horjoogayaal sare oo kooxda Daacish ka tirsan, kuwaas oo ku dhuumaalaysanayay deegaankaas. Mid ka mid ah xubnaha sare ee la dilay ayaa ahaa Axmed Maleninine, oo ahaa horjooge u qaabilsanaa dhinacyada qorista maleshiyaadka, dhaqaalaha, iyo sidoo kale safarka xubnaha kooxda ee Yurub iyo Mareykanka.

Dhinaca kale, AFRICOM ayaa tilmaamay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada, kuwaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ka fuliya buuralayda gobolka Bari weeraro iyo falal dhagar ah. Howlgalkani ayaa sidoo kale qeyb ka ah qorshaha ballaaran ee looga sifeeynayo argagixisada guud ahaan Soomaaliya, iyadoo howlgalada la midka ah ay ka socdaan koonfurta iyo bartamaha dalka.

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa sidoo kale caddeeyay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan amniga iyo ka hortagga argagixisada. Howlgalkan ayaa wuxuu muujinayaa sii xoojinta iskaashiga labada dhinac ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ku sugan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here