Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka oo Howlgal Ka Sameeyay Jowle

0

JOWLE [SMN] – Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgal ka dhacay dhulka miyiga ee Jowle, oo ku yaal xadka u dhexeeya gobolada Mudug iyo Galguduud.

 

Howlgalkan oo diiradda lagu saarayey kooxda Al-Shabaab, ayaa waxaa lagu dilay Cabdullaahi Siciid Bulxiye, oo ahaa amiirkii kooxda Al-Shabaab ee qaabilsanaa deegaanka Jowle. Bulxiye ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid ka mid ah hogaamiyaasha sare ee Al-Shabaab ee ka hawlgalayey gobolka.

Sidoo kale, howlgalka waxaa lagu dilay 10 xubnood oo kale oo la socday Bulxiye, kuwaas oo ilaalin u ahaa. Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa sheegay in howlgalka uu weli socdo, isla markaana ay sii wadi doonaan dadaallada lagu sugayo amniga iyo xoojinta awooda dowladnimo ee deegaanada Al-Shabaab ka taliso.

Jowle ayaa noqotay mid muhiim u ah isku xirka gobolada Mudug iyo Galguduud, waxaana sidoo kale loo arkaa inay tahay meel muhiim ah oo loogu talagalay in lagu xakameeyo dhaqdhaqaaqa kooxda Al-Shabaab ee ka hawlgasha gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo amniga dalka, iyadoo la qorsheynayo in si joogto ah loola dagaallamo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in howlgalada kale ee ka dhan ah Al-Shabaab ay si weyn uga socdaan deegaannada kale ee gobolka, iyadoo dowladda ay ku boorisay dadka deegaanka inay sii wadaan taageerada ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here