Madaxweynaha Somaliland oo Ka Hadlay Qorshaha Trump Ee Falastiiniyiinta Gaza

0

DUBAI [SMN] – Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo weli ku sugan dalka Imaaraadka Carabta, ayaa waraysi siiyay warbaahinta Sky News Arabic, waxaana wax laga waydiiyay arrinta maalmahan aad loo hadal hayo ee ku saabsan in Donald Trump uu qorsheynayo in dadka reer Falastiin geeyo Somaliland.

 

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay si buuxda u la dareemayaan dhibaatada iyo xaaladda adag ee dadka reer Falastiin, wuxuuna caddeeyay in Somaliland ay si buuxda uga qeyb qaadaneyso dadaallada ay waddamada Carbeed ugu jiraan sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda iyo badbaadada dadka reer Falastiin. Waxa uu si gaar ah u xusay diidmada guud ee ka dhanka ah in la barakiciyo shacabka reer Falastiin.

“Maraykanka waxa naga dhexeeya xidhiidh, wax kasta oo arrinkan ku saabsan, waxaannu u marin doonnaa waddooyinka Diblomaasiyadeed ee naga dhexeeya. Reer Falastiin waa walaalaheena, waana la dareennahay,” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland. “Inta karaankayga ah waxaannu ku biirinaynaa dadaallada waddamada Carbeed ay wadaan ee arrinkan ku wajahan.”

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay mar walba ku dadaali doonto in ay ilaaliso sharafta iyo xuquuqda dadka Falastiin, isagoo muujiyay in arrintan ay ku tahay mudnaan siyaasadeed iyo mid ummadda Carbeed.

Wuxuuna xusay in Somaliland ay sii wadi doonto xiriirka ay la leedahay Mareykanka si loo hubiyo in mawqifkooda arrintan la horumariyo, iyagoo ilaalinaya xeerarka caalamiga ah ee diidaya barakacinta dadka reer Falastiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here