MUQDISHO [SMN] – Muddo ku dhow 10 maalmood, Qaadka laga keeno Kenya ee loo iib-keeni jiray Soomaaliya ayaa xaniban, iyadoo ilaa hadda aysan jirin wax qorshe ah oo muujinaya in Qaadkaasi uu soo gaari doono Muqdisho waqti dhaw.
Xanibaadda Qaadka Miirowga ayaa sii kordhinaysa welwelka ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto xiriirka ganacsi ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.
Macluumaad cusub oo laga helay ilo gudaha ah ayaa sheegay in xannibaaddan ay sii adkeyn karto in Qaadka Kenya uu mar kale soo galo Soomaaliya, iyadoo saameyntu ay noqon karto mid weyn.
Xogtan waxaa soo sheegay xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo ka hadlaya arrimaha xiriirka Kenya iyo Soomaaliya, kuwaasoo ku xirnaa siyaasadda qaadka iyo ganacsiga.
Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Nairobi ayaa tilmaamay in ganacsatadii hore ee qaadka ay booqdeen Nairobi 1-dii bishan, halkaas oo ay la kulmeen madax sare oo ka tirsan dowladda Kenya.
Kulankaasi waxaa lagaga hadlay qiimaha qaadka ee loo iibiyo Soomaaliya, iyadoo la sheegay in ganacsatadu ka codsadeen dowladda Kenya inay hoos u dhigto qiimaha qaadka ee beeraleyda Kenya, si ay u helaan faa’iido badan oo ku saabsan iibka qaadka ee Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale la sheegay in ganacsatada qaadka ee Kenya ay sheegeen inay si weyn uga welwelsan yihiin in Soomaaliya ay bixiso qiimo sare oo aan la aqbali karin, taasoo ka dhigan in beeraleyda Kenya aysan ka helin faa’iido buuxda oo ay ku raaxaystaan.
Xiriirka ganacsi ee labada dal ayaa muuqda inuu ku xiran yahay arrimaha siyaasadeed, iyadoo la xiriirinayo xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo laga yaabo inay wax ka qaban doonto xaaladdan si loo hagaajiyo xiriirka ganacsi iyo labada dal ee soohdimaha kala dhexeeya.
Xanibaadani ayaa sidoo kale ka dhalan karta dharbaaxo ku timaada dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo qaadka Kenya uu yahay badeecad muhiim ah oo si weyn loo isticmaalo, gaar ahaan magaalada Muqdisho, taasoo horseedi karta inay sii kordho xaaladda dhaqaale ee adag ee soo food saartay bulshada.
Waxaa la rajeynayaa in labada dal ay isla jaanqaadi doonaan arrintan, iyadoo dadaallada diblomaasiyadeed ee la xiriira xalinta xiisaddan ay socdaan. Sii socoshada xannibaaddan waxay saameyn doontaa dad badan oo ku tiirsan qaadka, iyo sidoo kale ganacsatada Soomaaliyeed ee ku shaqeeya iibka iyo qaybinta qaadka.