Duqeymo Xoogan oo Lagu Qaaday Buuraha Calmiskad: 30 Xubnood oo Daacish ah oo La Dilay

0

BOOSAASO [SMN] – Ugu yaraan laba duqeymo oo xooggan ayaa ka dhacay deegaanka Sheebaab ee Buuraha Calmiskad ee Gobolka Bari, kuwaasoo loo maleynayo inay fuliyeen diyaarado dagaal oo laga yaabo inay yihiin kuwa Mareykanka.

 

Duqeymahan ayaa si weyn u saameeyey xubno ka tirsan ururka Daacish, waxaana la sheegay in duqeymahaasi ay sabab u noqdeen khasaare badan.

War ka soo baxay taliska Ciidamada La-dagaallanka Daacish ee Puntland ayaa lagu faafaahiyey qasaaraha ka dhashay duqeymahaas. Bayaanka ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay ilaa 30 xubnood oo ka tirsan Daacish, waxaana sidoo kale la burburiyey warshad farsamo oo ay Daacish ku lahaayeen Buuraha Calmiskad. Intaa waxaa dheer, gaariga ay Daacish u adeegsadeen qaraxyada ayaa lagu qarxiyey duqeyntaasi.

Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyey in ururka Daacish uu la kulmay jab weyn, iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn ugu guuleysteen hawlgallada ka socda gobolka Bari. Puntland ayaa sheegtay inay sii wadi doonaan hawlgallada iyo dagaalka ka dhanka ah Daacish, si ay u xakameeyaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxdaas.

Dhinaca kale, wararka ayaa sheegay in magaalada Boosaaso la qabtay nin u dhashay Morocco oo ah xubno ka tirsan Daacish, kadib markii shacabku ay gacanta ku soo dhigeen. Ninkan ayaa qirtay inuu ka tirsanaa kooxda Daacish, waxaana haatan gacanta ku haya laamaha amniga ee magaalada Boosaaso, kuwaasoo ku howlan baaritaanka.

Howlgalada ciidamada Puntland ee ka socda Buuraha Gobolka Bari ayaa la sheegay inay ka mid yihiin guulaha ugu waaweyn ee la gaaray, waxaana sidoo kale la sheegay in ciidamada Puntland ay qabsadeen fariisamo iyo dagaanno ay Daacish ku sugnaayeen, kuwaasoo hadda ay gacanta ku hayaan ciidamada Puntland.

Puntland ayaa si rasmi ah u xaqiijisay inay si joogto ah ugu hawlgali doonaan sidii looga sifeyn lahaa gobolka Bari ururka Daacish, isla markaana loogu soo afjarayo kooxaha argagixisada ah ee ku sugan deegaannadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here