Guddoomiyaha SoDMA oo Kula Kulmay Dr. Ahmed Amdihun dalka Kuwait

0

KUWAIT [SMN] – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa dalka Kuwait kula kulmay Isku-duwaha Barnaamijka Maareynta Khataraha Musiibooyinka ee Urur-Goboleedka IGAD, Dr. Ahmed Amdihun.

 

Kulankan ayaa si gaar ah loogu gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta hay’adaha ka shaqeeya maareynta khataraha musiibooyinka ee gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa hababka is-dhaafsiga xogta la xiriirta musiibooyinka iyo khataraha dabiiciga ah ee ka jira gobolka.

Guddoomiyaha SoDMA iyo Dr. Ahmed Amdihun ayaa isla gartay in IGAD ay noqoto dhexdhexaadiye fududeynaya is-weydaarsiga xogta si dalalka gobolka looga hortago musiibooyinka saameynaya xuduudaha waddamada ee isdaba joogta ah.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale isku raacay in la qabanqaabiyo shir gaar ah oo ay yeelan doonaan hay’adaha Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo IGAD ay diyaar u tahay inay fududeyso.

Shirkan, oo la filayo inuu ka dhaco sannadka 2025, ayaa si gaar ah u noqon doona fursad lagu kordhinayo wadashaqeynta labada dal ee ku aaddan yareynta khataraha musiibooyinka iyo horumarinta digniinaha hore ee halista wadareedka.

Iskaashigan cusub ee u dhexeeya Soomaaliya, Itoobiya, iyo IGAD ayaa muhiimad gaar ah leh, iyadoo gobolku wajahayo caqabado kala duwan oo ay ka mid yihiin fatahaadaha, abaaraha, iyo dhul-gariirka.

Digniinaha hore ee musiibooyinka ayaa kaalin muhiim ah ka qaadan kara badbaadinta nolosha dadka iyo dhimista khasaaraha maaliyadeed ee soo gaara waddamada ku saabsan.

Sidoo kale, kulanka ayaa ah tallaabo lagu xoojinayo shuruudaha iyo qorshayaasha cusub ee maareynta khataraha dabiiciga ah iyo sidii loo dhisi lahaa nidaamyo wadajir ah oo ka jawaabaya musiibooyinka deegaanka.

Hay’adaha ka shaqeeya maareynta musiibooyinka ee gobolka ayaa sidoo kale la filayaa inay ka faa’iidaystaan fursadahan cusub si ay u gaaraan guulo waara oo ku saabsan ka hortagga iyo diyaarinta bulshada si ay uga hortagaan saameynta musiibooyinka.

IGAD waxay ku hawlan tahay kordhinta iskaashiga gobolka iyo caalamiga ah ee ku aaddan maareynta khataraha dabiiciga ah, iyadoo la rajeynayo in wada-shaqeyn dheeri ah ay ka dhalan doonto dadaalladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here