Munaasabadda Tayeynta Baasaboorka oo lagu qabtay Muqdisho

0

MUQDISHO [SMN] – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), ayaa ka qeyb galay munaasabadda bandhiga Geeddi-Socodka Tayeynta iyo Ilaalinta Sumcadda Baasaboorka Soomaaliga.

 

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay horumarka iyo tallaabooyinka la qaaday si loo xoojiyo tayada iyo ilaalinta sumcadda baasaboorka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa ammaanay hawsha ay ka hayaan hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee DFS, isaga oo tilmaamay sida ay ugu dadaalayaan tayeynta baasaboorka Soomaaliga.

Waxa uu sidoo kale xusay in tayada baasaboorka ay tahay mas’uuliyad guud oo ka saaran shacabka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee DFS, Mudane Sheikh Mustaf Sheikh Cali Dhuxulow, ayaa sheegay in hey’adiisu ay si xooggan u taageeri doonto geeddi-socodka tayeynta iyo ilaalinta sumcadda baasaboorka Soomaaliga, si loo xaqiijiyo in uu noqdo mid caalami ahaan la aqoonsan yahay.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2-aad ee dalka, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa sheegay in baasaboorka Soomaaliya uu soo maray marxalado kala duwan, wuxuuna caddeeyay in maanta uu ku sugan yahay meel aad u wanaagsan.

Isagoo xusay in dadaallada socda ay keeni doonaan in baasaboorka Soomaaliga uu noqdo mid si buuxda ugu muuqda meelaha caalamiga ah.

May be an image of 8 people and daisMay be an image of 17 people, table, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of ‎1 person, dais and ‎text that says "‎HAYADDA SOCDAA والجنسية لنسي IMMIGRATION ANDC BA GEEDD YEYNTAYO YO ILAALIN அ MIAZEERA PALA AZEERA SO PALACEHOTEL‎"‎‎May be an image of 1 person, dais, newsroom and text that says "D JAZEERA PALACEHOTEL"May be an image of 1 person, dais and text that says "T H FJAZEERA HOTEL AZEER PALACEHOTEL PALACE"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here