Sacuudiga oo xukun dil ah ku fuliyay Nin Soomaali ah

0

NAJIRAN [SMN] – Dowladda Sacuudiga ayaa Maalintii Shalay dil ku fulisay muwaadin Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu dalkaas geliyay mandooriyaha Xashiiska.

 

Wiilkan dhalinyarada ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur Xuseen Gacal ayaa kamid ahaa  45 maxbuus oo Soomaali ah, oo Maxkamad ku taalla Sacuudiga ay ku xukuntay dil dhowr sano kahor.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa xaqiijisay in Maxamed Nuur ayaa lagu daldalay xabsi ku yaalla magaalada Najraan ee Koonfurta dalka Sacuudiga.

Xasan Xuseen Yuusuf, oo adeer u ah wiilka shalay Sacuudiga lagu dilay, ayaa sheegay in wiilkooda uu la soo xiriiray, isagoo u sheegay in la dilayo oo uu tiirka ku xiran yahay. Wuxuu sidoo kale codsaday in la cafiyo, hooyadiisna lagu salaamo.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Sacuudiga Aweys Xaaji Yuusuf ayaa sheegay in aan lagu soo wargelin dilka Maxamed Nuur, balse ay hadda ka shaqeynayaan sidii loo badbaadin lahaa maxaabiista kale ee dilka ku xukuman.

Wuxuu danjiraha xusay inay la xiriireen wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga iyo maxkamadaha dalkaas, islamrkaana ay magacaabeen gudi ka shaqeynayan in xukunka dilka ah loogu bedelo xabsi daa’in ama cafis loo fidiyo.

Maxaabiista kale ee Soomaalida ah ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ka codsaday inuu tago dalka Sacuudiga, islamarkaana laga badbaadiyo xukunka dilka ah ee lagu riday, maadaama shalay la dilay Maxamed Nuur oo iyaga xabsiga kula xirnaa.

Maxaabiistan oo tiradooda ay gaareyso 45 qof ayaa xilliyo kala duwan lagu qabtay Sacuudiga, iyagoo lagu eedeeyay inay dalkaas soo geliyeen maandooriye oo Xashiiska kamid yahay kaasoo ka mamnuuc ah gudaha dalka Sacuudiga.

Qaar kamid ah Ehellada maxaabiistan Soomaaliyeed ee ku jira xabsiga Sacuudiga ayaa sheegay in wiilashooda ay tahriib ku galeen Sacuudiga iyagoo sii maray dalka Yemen, islamarkaana ay jiraan duruufo kala duwan oo ay kamid tahay in lagu qasbay inay maandooriye geliyaan dalkaas Sacuudiga.

Dowladda Soomaaliya ayaan la ogeyn sida ay wax uga qabana karta xukunka dilka ah ee lagu riday 44ta qof ee hartay, kuwaasoo rajo xumo ay soo wajahday, kadib markii in mudo ah oo ku dhawaad 6 sano gaareysa ku jireen xabsiga, haddana lagu billaabay in mid mid loo daldalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here