Mashquul Siyaasadeed oo Xoogan Oo Ka Taagan Xagiisyada Madaxda Sare Ee DFS

0

MUQDISHO [SMN] – Waxaa ka taagan mashquul siyaasad oo aad u xooggan Xagiisyada madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).

 

Habeenkii xalay, labada masuul ee ugu sareeya dowladda, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, ayaa aad uga wadahadlay arimo siyaasadeed iyo xal u helidda culeysyo siyaasadeed oo ay kala kulmi doonaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (XFS).

Wadahadaladaasi waxaa lagu sheegay inay la xiriirto mooshin ay wadaan qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka, kuwaas oo damacsan inay mooshin ka keenaan Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo golihiisa wasiirada.

Ilo xog-ogaal ah oo laga helay warbaahinta Shabelle ayaa sheegay in Villa Somalia ay qaadi doonto talaabooyin degdeg ah oo ku saabsan isbedel dhinaca mas’uuliyiinta qaar ee XFS, iyo sidoo kale dadka kale ee xilal ka haya qeybaha kale ee DFS.

Xogta ayaa tilmaamaysa in talaabooyinkaas ay ku saleysan yihiin sidii la isaga qaboojiyo karka siyaasadeed ee Baarlamaanka, iyadoo la doonayo in xaaladda laga hortago ka hor inta aysan u furmin kulamada Baarlamaanka ee 22-ka bishan, oo ku beegan sabtida todobaadka dambe.

Haddii la fuliyo talaabooyinkaasi, waxaa lagu wadaa inay wax weyn ka bedelaan xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaana la filayaa in arrimahan ay saameyn ku yeeshaan sidii baarlamaanku uga hadli lahaa xaaladaha siyaasadeed ee dowladda federaalka.

Waqtiga iyo sidii arrimahani u soo dhawaanayaan ayaa muujinaya in xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya ay soo wajahday xaalad aad u xasaasi ah, iyadoo dhammaan dhinacyada la xiriira siyaasadda dalka ay diyaar u yihiin inay la socdaan talaabooyinka cusub ee dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here