DFS oo Rooble u diiday Baasaboorka Diblomaasiga inuu ku tago South Africa

0

NAIROBI [SMN] – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u diiday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble warqad oggolaansho si baasboorkii diblomaasiga uu ugu tago dalka Koonfur Afrika kadib markii uu casumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika.

 

Ilo wareedyo ayaa u sheegay Shabelle TV in mudane Rooble ay Safarkan ku wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Wasiiro hore, islamarkaana go’aanka loogu diiday warqadda oggolaanshaha ay ka timid madaxda ugu sarreysa dalka.

Waxaa lagu wadaa in Rooble uu u ambabaxo dalka Koonfur Afrika maalinta berrito ah, isaga oo isticmaalaya baasboorkiisa Sweden.

Lama ogga sababta ka dambeysa go’aankan, iyadoo xusid mudan in Mudane Rooble uu ahaa shaqsigii ka shaqeeyay in madaxda haatan tallada heysa ay ku yimaadaan doorashada uu qabashadeedu uu isaga dhexda u xirtay xilli uu dalka ku jiray marxalad adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here