JOWHAR [SMN] – Ciidamada Dowladda ayaa isku dayaya inay si buuxda u sugayaan amniga illaalix deegaan oo shalay soo weerartay Al-Shabaab, kuwaasoo ku yaalla Shabeellaha Dhexe.
War kasoo baxay dowladda shalay ayaa lagu sheegay in illaa 130 xubnood oo katirsan Al-Shabaab ay Ciidamada ku dileen goobaha weerarka ka dhacay, iyadoo aysan jirin ilo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashada.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay xiisada walika jirto goobihii uu dagaalka ka dhacay, oo wali la isku hor-fadhiyo, waxaana dowladda soo bandhigtay diyaarad helicopter ah oo ay sheegtay inay ka qeyb qaadatay howlgalka.



![Nabadoonka Beesha Aadan Warsame ee Xawaadle oo lagu doortay Muqdisho [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/07/yaab-150x150.png)
