Mareykanka oo Duqeyn cirka ah ka fuliyay buuraha gobolka Bari, Puntland

0

BOOSAASO [SMN] – Duqeymo Cirka ah ayay Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ku bartilmaameedsadeen Daacish (ISIS) gudaha Buuralayda Caal-miskaad ee gobolka Bari oo katirsan maamulka Puntland.

 

Hawlgalka duqeymaha ah oo si guul ah ay u fuliyeen Ciidanka Mareykanka oo la shaqeynaya kuwa Puntland waxay dhaceen 22-ka bishan, waxaana lagu taageerayay hawlgalka dhulka ka socda ee ka dhanka ah Daacish.

Qiimeynta hore ee hawlgalka ayaa muujineysa in saddex xubnood oo ka tirsan Daacish lagu dilay duqeymaha, mana jiro wax dhibaato ah oo gaaray rayidka, sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska Ciidanka Puntland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska AFRICOM waxay duleedka degmada Buula-Burde ee gobolka Hiiraan, halkaasoo lagu fashiliyay weerar ay Al-Shabaab qorsheynaysay oo lagu qaadi lahaa saldhigyada Ciidanka qaranka.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka fuliyaa duqeymo cirka ah, iyadoo dhawaan Trump duqeyn uu amray lagu dilay 14 dagaalyahan, oo uu ku jiro hogaamiye sare oo katirsanaa Daacish oo weerarada Mareykanka iyo Yurub qorsheyn jiray, kaasoo lagu beegsadey saldhig ku yaalla buuraha Calmiskaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here