MUQDISHO [SMN] – Taliyaasha Ciidanka militeriga iyo Sirdoonka Itoobiya, ayaa safar qarsoodi ah shalay ku yimidmagaaladda Muqdisho, si ay Dowladda Soomaaliya ugala hadlaan sii joogitaanka Ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya iyo qeybta ka ka qaadan doonaan howlgalka cusub ee AUSSOM.
Safarka labada taliye ee ugu sareeya Ciidamada Sirdoonka iyo Militeriga Itoobiya ee caasimadda Soomaaliya, ayaa imaanaya xili heshiis laga gaarey khilaafkii labada dal ee ka dhashay is-afgaradkii badda uu Abiy Axmed la galay bishii Jan 2024 maamulka Somaliland.
Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay Itoobiya ka qeybgeliso howlgalka AUSSOM, oo Masar door wayn ku leedahay, iyadoo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed arintan kala hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh markii ay dhawaan ku kulmeen magaaladda Addis Ababa.
Itoobiya waxay aad uga walaacsan tahay saameynta military ay Masar ku yeelanayso dalka Soomaaliya oo deris yihiin, waxayna u aragtaa imaanshaha Ciidamada Masaarida arin khatar ku ah amnigeeda qaranka, maadaama labada dal u dhaxeeyo xiisada ku salaysan biyo-xireenka webiga Niil.