BUULO-BURDE [SMN] – Ciidanka Qaranka iyo kuwa Dadka Deegaanka ayaa maanta fashiliyay isku dayo Al-Shabaab ay ku doonaysay inay weeraro ku qaado goobo saldhigyo militeri ah oo ku yaalla HirShabelle.
In ka badan 70 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay hawlgallo kuwaasi oo ka dhacay deegaannada Cadow-Guray oo ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo degaannada Ceel Cali Axmed iyo Alkowsar oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.