MUQDISHO [SMN] – Waxaa maanta baaqday kulankii xildhibaanada Golaha Shacabka oo looga doodi lahaa ajandayaal dhowr ah oo muhiim u ahaa mudanayaasha golaha. Kulankaas ayaa lagu waday in looga doodo arrimo kala duwan, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen moshin cusub oo la sheegay in ay gudbiyeen xildhibaanada mucaaradka ah.
Moshinkaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay kadib markii qaar ka mid ah xildhibaanadaasi laga hor istaagay inay ka duulaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Sidoo kale, moshinka ayaa la sheegay in loo gudbiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaana lagu balamay in maanta la horkeeno golaha. Si kastaba ha ahaatee, kulanka ayaa baaqday iyadoo aan wax go’aan ah laga gaarin arrimaha la sheegay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa si kulul uga hadlay baaqashada kulanka isagoo uga digay xildhibaanada in ay sii wadaan baaqinta kulamada, wuxuuna sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo keenaysa baaqinta kulamada sida uu sheegay hadalkiisa guddoomiyaha.
Kulanka maanta baaqday ayaa waxaa uu imanayaa xilli uu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si rasmi ah u furay Baarlamaanka kadib fasax muddo ku dhow labo bilood ah oo xildhibaanada ay maqnaayeen.
Baaqashada kulanka ayaa la aaminsan yahay inay keentay xaalad siyaasadeed oo adkaatay gudaha Baarlamaanka Soomaaliya.