Soomaaliya oo Guddoomisay Shir Caalami ah oo Ka Dhacay Imaaraadka Carabta

0

DUBAI [SMN] – Soomaaliya ayaa maanta shir guddoomisay kulankii ugu horreeyay ee shabakadda Isbeddalka Cimilada Dalalka ay Colaadu Saameeyeen, kaas oo ka dhacay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.

 

Kulankan heer-wasiir ah ayaa waxaa shir-guddoomiyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, waxaana ka soo qeybgalay mas’uuliyiin iyo wakiillo ka socday dalalka ay saameeyeen isbeddalka cimilada iyo colaadaha.

Kulanka shabakaddan oo ah kii ugu horreeyay tan iyo markii la aasaasay, ayaa daba socday shirweynihii Isbeddalka Cimilada COP29 ee lagu qabtay dalka Azarbayjaan. Ujeeddada shirkan ayaa ah sidii dalalka nugul ee wali ka muuqdaan saameynta colaadaha iyo isbeddalka cimilada ay u heli lahaayeen taageero gaar ah.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige, ayaa khudbad ka jeediyay shirkan, isagoo ka hadlay saameynta isbeddalka cimilada ee Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada abaaraha iyo fatahaadaha, kuwaasoo salka ku haya isbeddalka cimilada caalamiga ah.

Wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay in madashan ay muhiim tahay in ay la timaaddo qorshe wadareed iyo waxqabad si loo caawiyo dhammaan bulshooyinka ay saameeyeen isbeddalka cimilada.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo shir kale oo ay wadajir ugu qabanayaan dalalka Carabta oo looga hadli doono horumarinta dhaqaalaha iyo maalgelinta ganacsiga, shirkaan oo sidoo kale lagu qaban doono magaalada Abu Dhabi ee dalka UAE.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here