MUQDISHO [SMN] – Hoobiyayaal ayaa ku soo dhacay nawaaxiga Garoonka Aadan Cade xili la sugayo in uu Muqdisho soo gaaro Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Lama oga in ay Qasaaro geysteen iyo in kale, hasa’ahaatee Waxaa Garoonka laga shiday Gambaleelka digniinta ah ee la yeeriyo marka ay halis jirto.
Weerarka ayaa imaanaya xili Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu kusoo wajahan yahay magaaladda Muqdisho, oo wadooyinkana loo xiray amniga dartiisa.
Kala soco Shabelle xogta rasmiga ah ee Hoobiyayaashan ka soo korarta.