Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyay Abiy Axmed [Sawirro]

0

MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimoquraadiga Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqaasho shaqo ku yimid caasimadda dalkeenna ee Muqdisho.

 

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa Madaxtooyada Qaranka ku yeelan doona wada-hadallo ku aaddan sidii labada dhinac ay u xoojin lahaayeen iskaashigooda dhinacyada amniga, siyaasadda, diblomaasiyadda, ganacsiga, ilaalinta xasilloonida gobolka iyo la dagaallanka argagixisada caqabadda ku ah horumarka shucuubta labada dowladood.

May be an image of 5 people and text that says "R ၁၁၁၁ ၁၀၁၁"May be an image of 2 people and aircraftMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 3 people, aircraft and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 11 people and textMay be an image of 9 people and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 3 people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here