Dowladda Itoobiya oo ka hadashay booqashadii Abiy Axmed ku yimid Muqdisho

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Itoobiya Nebiat Getachew [Nebiyat Getashu], ayaa shir jaraa’id ku qabtay Maanta magaaladda Addis Ababa, kaasoo uu uga hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, oo hadda soo hagaagaya kadib heshiiskii Ankara ee lagu xaliyay xiisaddii ka dhalatay Is-afgaradkii Badda Abiy Axmed la galay Somaliland.

 

Afhayeenka ayaa tilmaamay in dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya ay noqdeen kuwo guul laga gaarey, islamarkaana labada dal madaxdooda is-dhaafsadeen booqashooyin heer sare ah oo ugu dambeysay safarkii shalay Abiy Axmed ku yimid Muqdisho.

Nebiyat Getashu wuxuu sheegay in booqashada Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu ku tagay caasimadda Soomaaliya, ay tahay astaan cad oo muujineysa horumar iyo bilowga bog cusub oo ku saabsan xiriirkii labada dal.

Kadib booqashada Abiy Axmed, labada dowladooda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah, oo adkeeyay balan-qaadka hirgelinta heshiiskii Erdan dhexdhexaadiyay oo jihada cusub u u sameeyay xiriirkooda oo dib u soo laabashadiisa uu muhiim u yahay nabadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika.

Afhayeenka ayaa sheegay in labada dal ay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan la dagaallanka argagixisada, horumarinta isdhexgalka bulshadda iyo ganacsiga, iyadoo si buuxda loo soo celinayo xiriirka diblomaasi, waxaana dowladda Soomaaliya u ogolaatay Itoobiya inay qeyb ka noqoto howlgalka cusub ee Midowga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here