MUQDISHO [SMN] – Hawlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaalita iyo Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, ayaa si guul ah looga fuliyay deegaano hoos taga magaalada Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo ka tirsan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Qiimeynta xogta horudhaca ah ee hawlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay waxaa ay muujinaysa in lagu burburiyay tira gaadiid ah oo sida xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo qaraxyo ay u soo diyaariyeen in ay weeraro ku fuliyaan, mana jiro wax khasaaro ah oo soo gaaray rayidka inta lagu guda jiray hawlgalka.
Ciidamada Qalabka Sida oo kaashanaya saaxiibada Mareykanka ee AFRICOM ayaa wali ku hawlan dhameystirka iyo qiimeynta hawlgalada iyo duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo Al Shabaab.