AFRICOM oo Duqeyn Ka Fulisay Soomaaliya oo Al Shabaab Lagu Beegsaday

0

MOGADISHU, Soomaaliya — Kadib codsi uga yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Afrika ee Ciidamada Maraykanka (AFRICOM) ayaa 1-dii Maarso 2025, sameeyey duqeyn hawadeed lagu beegsanayay Al-Shabaab oo ku sugnayd agagaarka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya.

 

Duqeymahan ayaa qeyb ka ahaa hawlgal is-difaacid ah oo loogu talagalay in lagu baabi’iyo halista argagixisada. Qiimeynta bilowga ah ee AFRICOM ayaa xaqiijisay in dhowr dagaalyahan oo al Shabaab ah lagu dilay iyo gaari ay wateen la burburiyey. Ma jirin wax khasaare ah oo rayid ah oo la soo sheegay.

Al Shabaab, ayaa si joogto ah u muujisay niyadda iyo awooda ay u leedahay inay weerar ku qaaddo ciidamada Maraykanka iyo xulafadooda ee ku sugan gobolka. Hawlgallada kooxda ayaa khatar ku ah amniga danaha Maraykanka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu xusay in xiriirka ay la leeyihiin Ciidamada Qaranka Soomaaliya uu sii xoogeysanayo, iyada oo la wado dadaallada lagu burburinayo awoodaha al Shabaab.

Ciidamada Maraykanka ayaa sidoo kale sii wadaya taageerada ay siiyaan Soomaaliya si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here