JOWHAR [SMN] – Deegaanka Xalfooley ee ku yaal xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaa shalay kulamo muhiim ah ka dhacay, kuwaas oo u dhexeeyay madax sare oo ka tirsan maamulka Hirshabelle iyo saraakiisha Xoogga Dalka, kuwaas oo la kulmay boqolaal ka mid ah Macawiisleyda hooraan ee ku diyaarsan deegaankaasi.
Mas’uuliyiinta ayaa ugu baaqay ciidamadan in ay si dhab ah uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isla markaana ay muujin doonaan midnimo iyo geesinimo. Iyagoo ka digay in ay waxbo ka libin keenaan amarka iyo qorshaha dagaalka.
Yuusuf Axmed Hagar Dabageyd, ku-xigeenka Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa si gaar ah ugu hadlay macawiisleyda. Wuxuu uga digay in ay ka fogaadaan tafaraaruqa iyo amar diidmada, isaga oo xusay in guusha dagaalka ay ku xirnaan doonto isfahamka iyo wada shaqeynta ay la yeelanayaan ciidamada Xoogga Dalka.
Kulankan ayaa waxaa lagu sheegay in uu yahay mid muhiim ah si loo xoojiyo dagaalka ay wadaan ciidamada Hirshabelle iyo Xoogga Dalka ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyada oo la rajeynayo in iskaashiga iyo wada shaqeynta ay keento guulo hor leh oo lagu xoreeyo deegaannada ku xeeran.
Xalfooley oo ah meel istaraatiji ah ayaa ah mid muhiim u ah horumarka dagaalka, waxaana la filayaa in kulamadan iyo dardaaranka ay horseedi doonaan in macawiisleyda ay si buuxda ugu diyaar garoobaan difaaca deegaanka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.