Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kasoo horjeestay barakicinta shacabka reer Falastiin ee ku nool Gaza

0

MUQDISHO [SMN] – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa si xooggan uga hadlay arrimaha barakicinta shacabka reer Falastiin ee ka dhanka ah Israaiil, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay si buuxda uga soo horjeedo hadalladii iyo falalka ka soo baxay Israaiil ee xad-gudubka ku ah xuquuqda aadanaha iyo heshiisyada caalamiga ah.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in falalkaas ay yihiin kuwo ka hor imaanaya qawaaniinta caalamiga ah, isla markaana ay yihiin xad-gudub cad oo ka dhan ah xuquuqda dadka reer Falastiin. Waxa uu intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u taageereyso shacabka reer Falastiin iyo xaqooda ay u leeyihiin dhismaha dowlad madax bannaan oo iyaga u gaar ah.

“Shacabka reer Falastiin waxay ku jiraan dagaal adag, waxaanan u muuqan doonin inay guuldareystaan. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed waxaanu si xooggan u taageereynaa xaqooda ay u leeyihiin dhismaha dowlad madax bannaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre ayaa khudbaddiisa ku taabtay xaaladaha ka jira dalalka Suudaan iyo Suuriya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay si buuxda u taageereyso xasilloonida iyo midnimada dhuleed ee dalalkaas Carbeed, ayna tahay in arrimahooda gudaha aan la soo faragelin.

“Dalalka Suudaan iyo Suuriya waa muhimad weyn u leh xasilloonida gobolka, waxaana Soomaaliya ay taageereysaa midnimadooda dhuleed iyo xasilloonidooda. Waxaanu ku baaqeynaa in loo oggolaado inay go’aanadooda iyo arrimahooda gudaha si xor ah u maareeyaan,” ayuu yiri Xamse.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay dalalka Carbeed ee walaalaha ah taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo bini’aadantinimada. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dalalkaasi inay ka qeyb qaataan maalgelinta horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan beeraha, xoolaha, iyo tamarta, si loo xoojiyo horumarka waara ee dalka loona abuuro fursado shaqo.

“Dalalka Carbeed waxay si weyn u taageereen Soomaaliya dhinacyada amniga iyo bini’aadantinimada, waxaanu ugu mahadcelineynaa sida ay naftooda ugu hurayaan, waxaana ugu baaqeynaa inay maalgelin muhiim ah ku sameeyaan dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan beeraha, xoolaha, iyo tamarta. Tani waxay ka caawin doontaa Soomaaliya inay gaarto horumar waara,” ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaaraha.

Soomaaliya ayaa si xooggan u xoojinaysa xiriirka la leh dalalka Carbeed, iyadoo rajeyneysa in taageerada ay helayso ay gacan ka geysan doonto horumarinta dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha iyo amniga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here