ABU DHABI [SMN] – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Imaaraatka, Sheekh Maxamed Binu Zayed Al Nahyan, isagoo booqasho shaqo ku jooga Imaaraatka.
Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Sheekh Mansuur Binu Zayed Al Nahyan, Madaxweyne kuxigeenka, Ra’iisul wasaare ku xigeenka, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Madaxtooyada, iyo sidoo kale Sheekh Hamdaan Binu Maxamed Binu Raashid Al Maktuum, Amiirka Dubai iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Wasiirka Difaaca.
Kulanka oo ka dhacay Qasr Al Bateen ee magaalada Abu Dhabi, ayaa labada hogaamiye waxay is dhaafsadeen salaam iyo ducada barakada leh ee bisha barakaysan ee Ramadaanka, iyagoo rajeynaya barwaaqo iyo barako sii socota ee labada dal iyo dadkooda.
Intii uu socday kulanka, ayaa si qoto dheer looga hadlay xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Imaaraatka iyo Soomaaliya, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo xasiloonida Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa amaanay taageerada joogtada ah ee Imaaraatka ee Soomaaliya, isagoo sheegay in kaalinta Imaaraatka ay ka qaateen Soomaaliya ku gaarsiinta riyadooda horumarka, xasiloonida, iyo barwaaqada.
Kulanka Qasr Al Bateen waxaa sidoo kale ka soo qayb galay: Sheekh Xazza Binu Zayed Al Nahyan, Wakiilka Hogaamiyaha ee Goboladda Al-Ain; Sheekh Nahyan Binu Zayed Al Nahyan, Guddoomiyaha Golaha Xaqiijinta iyo Samafalka Zayed; General Sheekh Saif Binu Zayed Al Nahyan, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha; Sheekh Hamed Binu Zayed Al Nahyan; Sheekh Khalid Binu Zayed Al Nahyan, Guddoomiyaha Hay’adda Zayed ee Dadka Baahida Gaarka ah; Hamdaan Binu Maxamed Binu Zayed, Ku-xigeenka Guddoomiyaha Maxkamadda Madaxtooyada ee Arrimaha Gaarka ah; Sheekh Nahyan Binu Mubarak Al Nahyan, Wasiirka Samafalka iyo Nabadgelyada; iyo Sheekh Maxamed Binu Xamad Binu Tahnoon Al Nahyan, La-taliyaha Madaxweynaha UAE, iyo xubno kale oo muhiim ah oo ka tirsan dowladda Imaaraatka.
Booqashadan ayaa xoojineysa xiriirka dhow ee labada dal iyo wada shaqeynta sii socota ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo horumarinta bulshada.