MUQDISHO [SMN] – Dowladda Soomaaliya ayaa diiday qorshayaal kasta oo lagu dhaawacayo xaqa dadka reer Falastiin ee ku noolaanshaha dhulkooda si nabad ah, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, Jimcihii.
Fiqi ayaa u sheegay Reuters in dowladda Soomaaliya aysan aqbalaynin qorshe kasta oo ku lug leh isticmaalka dhulkeeda si loogu dajiyo dad kale.
“Waxaan si cad uga soo horjeednaa qorshe kasta oo dadka lagu barakicinayo ama lagu dejinayo dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri Fiqi, isagoo adkeeyay in Soomaaliya ay si buuxda u taageerto xaqa dadka reer Falastiin.
Hadalka Fiqi ayaa ku soo beegmaya xilli wadahadallo ku saabsan dejinta dadka laga soo barakicinayo Qasa iyo meelo kale oo colaadaha ka jiraan ay socdaan, balse Soomaaliya ayaa caddeysay inaysan noqon doonin qeyb ka mid ah qorshayaasha noocaas ah.