MOQOKORI [SMN] – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku sugan jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ayaa caawa kulan muhiim ah kula qaatay degmada Moqokori, Hoggaanka Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada hormuudka u ah howlgallada xoreynta dalka.
Safarka Madaxweynuhu ee jiidaha hore ayaa yimid kadib markii uu ka badbaaday qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho shalay, kaas oo loo adeegsaday weerar argagixiso. Qaraxaas ayaa sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed, balse Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku guuleystay in uu badbaado, taasoo muujineysa adkeysigiisa iyo go’aankiisa ah in uu ka shaqeeyo xoreynta dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka xogwareystay Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle iyo Hoggaanka ciidamada jiidda hore, guulaha iyo caqabadaha horyaalla. Intii kulanka socday, waxay soo bandhigeen sida ciidamada loogu dhiirrigelinayo in Madaxweynuhu uu si toos ah ugu sugan yahay furinta dagaalka, isagoo si dhow ula socdo guulaha, baahiyaha iyo geesinimada Ciidanka Soomaaliyeed.
Madaxweynuhu ayaa muujiyay sida ay muhiimka u tahay in ciidamada Soomaaliyeed ay helaan taageero buuxda, si loo xaqiijiyo guulaha iyo xoreynta dalka.