Ciidamada DFS iyo Kuwa Deegaanka oo Howlgallo Ka Wada Gobolka Shabeellaha Dhexe

0

JOWHAR [SMN] – Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa bilaabay howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab deegaano ka tirsan gobolkaas.

 

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar, oo jooga jiida hore ee dagaalka, ayaa sheegay inay socdaan dadaallo xoogan oo lagu ciribtirayo Al-Shabaab.

Waxa uu sidoo kale geesiyaasha Xoogga Dalka iyo ciidamada deegaanka ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen Al-Shabaab mudadii dhawaa.

Al-Shabaab ayaa haatan wajahaya howlgallo waaweyn, iyadoo lagu duqeeyay goobo kala duwan.

Dagaalkooda ayaa u muuqda inay ku wajahan yihiin ruux baxii ugu dambeeyay kadib markii ay ka baxeen deegaano badan oo ay horay uga talin jireen, iyagoo door muhiim ah ka qaatay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here