MUQDISHO [SMN] – Guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaran, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa maanta sheegay in muddo 21 cisho ah lagu daray waqtigii ay ahayd in la soo gabagabeeyo is-diiwaangalinta Ururrada Siyaasadda, taas oo markii hore lagu qorsheeyay inay ku ekaato 31-ka Maarso. Waqtigaan cusub, oo hadda lagu daray muddada, ayaa la filayaa in uu u fududeeyo ururrada siyaasadda in ay dhammeystiraan is-diiwaangalintooda.
Cabdikariin Axmed Xasan, oo ka hadlay arintan, ayaa sidoo kale tilmaamay in kordhinta waqtigan ay muhiim u tahay in la hubiyo in dhammaan ururrada siyaasadda ay si sax ah u diiwaangashan yihiin, isla markaana ay helaan xuquuqda ay ku lahaan doonaan ka qaybgalka doorashooyinka guud ee dalka.
Wuxuu ku nuux-nuuxsaday in is-diiwaangalinta ururradu ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaadayo sidii loo hubin lahaa in nidaamka doorashooyinka ee dalka uu noqon doono mid cadaalad ah oo la isku halleyn karo.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muhiimadda ay leedahay in ururrada siyaasadda ay ka qeyb qaataan hawlaha doorashooyinka gollaha deegaanka si ay uga qayb qaataan horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda ee Soomaaliya.
Wuxuu ugu baaqay dhammaan ururrada siyaasadda iyo xubnaha ka tirsan inay si buuxda u tixgeliyaan xeerarka iyo habraacyada doorashooyinka ee dalka si ay doorashooyin kaamil ah u dhacaan.
Waxaa lagu wadaa in mudada cusub ee la kordhiyay ee is-diiwaangalinta Ururrada Siyaasadda ay noqoto mid horseedda in ururrada siyaasadda ay si buuxda ugu diyaar garoobaan doorashooyinka, iyadoo sidoo kalena la tixgelinayo in ururradu ay helaan fursado siman oo ay kaga qaybqaataan siyaasadda dalka.
Doorashadda Gollaha deegaanka ayaa la filayaa inay ka dhacdo June 2025 Muqdisho.