Muqdisho, Soomaaliya [SMN] – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Bulaale, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa guddoomiyay kulan muhiim ah oo looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa isku-duwidda howlaha gurmadka iyo taageerada loogu talagalay degaannada ay saameeyeen dagaallada dalka looga xoreynayo khawaarijta.
Agaasimaha Caafimaadka ee Hay’adda SoDMA, Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed, ayaa ka warbixiyay muhiimadda ay leedahay isku-dubbaridka iyo isku-xirka howl-gallada gargaarka, gaar ahaan hirgelinta baro caafimaad oo lagula tacaalo dhaawacyada iyo bixinta adeegyo caafimaad oo muhiim ah oo loogu talagalay dadka rayidka ah ee colaaduhu saameeyeen.
Shirka, oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, ayaa waxaa ka soo qeyb-galay xubno ka kala socday Taliska Xoogga Dalka, Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo maamulka Isbitaalka Madiina.
Kulankan ayaa lagu xusay sida ay muhiimka u tahay in la sameeyo qorshe wadajir ah si loo dardar-geliyo howlaha gurmadka iyo taageerada dadka ku dhibaateysan xaaladaha adag ee ka taagan degaannada colaadaha.
Ujeeddada kulankan ayaa ah in la isugu keeno dhammaan hay’adaha iyo qeybaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha gurmadka iyo caafimaadka si ay u sameeyaan qorshe waxtar leh oo laga hirgelin karo goobaha ay saameeyeen colaadaha.