Duqeyn lagu beegsaday ISIS oo ka dhacday gobolka Bari ee Puntland

0

BOOSAASO, Soomaaliya [SMN] – Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka, ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgal duqeyn ah oo ka dhan ah ISIS.

 

Duqeynta waxaa lagu beegsaday xubno katirsan ISIS, kuwaas oo isku aruursanayay koonfur-bari magaalada Boosaaso ee Puntland. Howlgalka ayaa lagu taageerayay dadaallada Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ee buuraha Calmiskaat.

Qiimeynta horudhaca ah ee howlgalkan waxay muujinaysaa in xubno badan oo ka tirsan ISIS la dilay, iyadoo aanay jirin wax rayid ah oo waxyeello soo gaartay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamka sida Taliska AFRICOM ee Mareykanka, waxay sii wadi doontaa dagaalka ISIS iyo Al-Shabaab, kuwaas oo khatar ku ah nabadgelyada Soomaaliya iyo caalamka.

May be an illustration of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here