Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabey Gudi cusub

0

Muqdisho, Khamiis, 03 Abriil 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magacaabay Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka lagula jira kooxaha Khawaarijta ah ee Shabaab iyo Daacish.

 

Xubnaha guddigan ayaa lagu soo bandhigay in ay ka kooban yihiin khubaro iyo mas’uuliyiin sare, kuwaas oo si dhow u taageeri doona dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ee u hubeysan Shabaab iyo Daacish.

Guddiga Taakulaynta Dagaalka waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, wuxuuna ka shaqeyn doonaa sidii loo xoojin lahaa taageerada dhaqaale iyo midda farsamo ee la siiyo ciidamada qalabka sida iyo hay’adaha amniga, si ay u gaaraan guulaha lagama maarmaanka ah.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in magacaabista guddigan ay qayb ka tahay dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo la dagaallanka Khawaarijta, isagoo intaa ku daray in hawlaha guddigu ay muhiim u yihiin taageerada iyo xoojinta dadaallada amniga ee dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale u mahadceliyey xubnaha guddiga iyo dhammaan kooxaha ka shaqeynaya arrimaha amniga ee Soomaaliya.

Guddigan ayaa la rajeynayaa inay ka qeyb qaataan qorsheyaasha mustaqbalka ee lagula dagaallamayo kooxaha Shabaab iyo Daacish, iyadoo laga sugayo inay ka shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa degganaansho iyo xasillooni buuxda oo dalka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here